Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqay in la mamnuuci doono dhammaan wax iibsiga, iibinta iyo soo dejinta hubka fudud.
Go’aankan ayaa ka dhashay toogasho wadareedyo ay dad badan ku dhinteen oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay dalka Mareykanka. Waana in lagu ansixiyo baarlamaanka Kanada, halkaas oo xisbiga Liberal Party ee Trudeau uu aqlabiyad ku leeyahay xisbiga Bidixda.
Trudeau ayaa sheegay in go’aankaasi uu ka dhigan yahay in lahaanshaha hubka fudud la xayiray, waxaana mamnuuc ah iibinta, soo dejinta iyo noocyada kale ee kala wareejinta hubka. Sharciga ayaa sidoo kale ka xayuubin doona kuwa ku lug leh rabshadaha qoyska, ama khatar ku ah naftooda iyo kuwa kaleba, xuquuqda ay leeyihiin inay hub yeeshaan.
“Marka laga reebo ugaarsiga iyo ciyaaraha, ma jirto sabab uu qof Kanada ku nool ugu baahan yahay hub nolol maalmeedkiisa,” ayuu yiri Trudeau, oo ay ku hareereysan yihiin qaraabada dad lagu dilay toogashooyin.
– Tani waxay ku saabsan tahay xorriyadda. Dadku waa inay xor u ahaadaan inay aadaan supermarket-ka, iskuul ama inay tukadaan cabsi la’aan, ayuu yidhi.
Canada ayaa soo saartay mamnuucid 1,500 oo nooc oo ah hubka wax gumaada iyo hubka militariga kadib toogasho wadareed ka dhacday Nova Scotia sanadkii 2020 oo ay ku dhinteen 23 qof.Â