Home News in English Cajiib: Ardayda Norway oo Todobaad walbo Labo Mar iska Qaadaya Tijaabada Corona

Cajiib: Ardayda Norway oo Todobaad walbo Labo Mar iska Qaadaya Tijaabada Corona

0
Photo/Stian Lysberg Solum NTB

Ardayda Norway ayaa dib u bilaabay wabarashada iskuulada waxana dowlada ay soo saartay Sharciyo Qabanaya ardaydaasi.

Todobaad Walbo arday kasta waxana uu iska qaadayaa Tijaabada Corona labo mar iyadoo taasi looga gonleeyahay la socodka xaaladooda.

Maalmaha Isniinta iyo Khamiista ayaa loo qorsheeyay in ardayda iska qaadaan Corona Test.

“Waxaan rabnaa in ardaydeena ay awoodaan inay iskuulka joogaan intii suurtogal ah, Tijaabinta dadka waa muhiim si taas loo gaaro, ”ayuu yiri agaasimaha waxbarashada Oslo Marte Gerhardsen.

Guud ahaan 20,000 oo arday oo dhigta dugsiga sare iyo 20,000 oo ah heerka dugsiga hoose ee D/hoose ayaa imtixaan Corona laga qaadayaa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here