Home Wararka Maanta Caasimada Norway oo gawaari lagu gubay habeenki Sadexaad oo xiriir ah

Caasimada Norway oo gawaari lagu gubay habeenki Sadexaad oo xiriir ah

0

Baabuur si caadi ah loo dhigay parkering ayaa saddex dhacdo oo gooni ah ku kala gubtay qaybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Oslo. Habeenkii axadda waxaa gudbtay saddex gaari oo yaalay xaafadda Rustad. Habeenkii isniinta waxaa gubtay labo gaari oo iyana lagu parkingareeyey xaafadda TÃ¥sen, halka habeenkii talaadada iyana dabqabsaday labo kale oo yaalay xaafadda Grorud. Qaar ka mid ah gubashadan ayey booliisku qabaan in laga dambeeyo.

Saddexda gaari ee ku gubtay Rustad ee magaalada Oslo oo basbeelay, yiilayna xaafadda la degan yahay ee jidka Weding Olsens vei ayaa la sheegay in qiiq badani isqabsaday xilli dambe oo ay saacaddu ahayd 0.37 saqdhexe, waxayna booliisku ka shakisan yihiin in dabka lagu qabtay.

– Dabka markiiba waa la damiyey isla markii ay waaxda dabdamisku gaareen goobta. Ma jirin wax dab ah oo ku faafay guryihii dhinacyada ka xigay laakiin qiiqa ayaa dadka dhib u gaysan karay ayuu yiri Tor Gulbrandsen oo ka tirsan booliiska degmada Oslo lana hadlay wakaalada wararka NTB.

Wuxuu sheegay in aysan baabuurtu is gubi karin iyagu walow uusan meesha ka saarin inuu imaan karo qalad farsamo oo dab kicin kara.

Wuxuu sheegay in dareenka booliisku yahay in dabkaan laga dambeeyo, isagoo xusay in qof goobjooge ah uu arkay weel shidaal ku jiray oo goobta yaalay ayna booliisku baaritaan ku sameeyeen, waa sida laga soo xigtay sarkaalkaan hawlgalada u qaabilsan booliiska..

Labada gaari oo iyaguna ku gubtay TÃ¥sen isniintii ayaa booliiska lagu wargeliyey abaaro saacadu markii ay ahayd 4.29 habeenimo gelinkii dambe.

– in baabuurta dab la qabadsiiyey waa waxa aan baarayno. Dabku baabuurta caadiyan iskama qabsado. Waxaan baaraynaa raad muujin kara in dabka lagu qabtay ayuu yiri madaxa hawlgalada Tor Guldbrandsen oo wakaalada wararka NTB u waramay xilligu ay saacadu ahayd 5-tii.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here