Home Wararka Caalamka Booliska: Sweden Waxay Noqotay Halka Daroogada looga gudbiyo Dalalka kale

Booliska: Sweden Waxay Noqotay Halka Daroogada looga gudbiyo Dalalka kale

0
Foto: Adam Ihse / TT

Sweden ayaa noqotay xudunta ka ganacsiga maandooriyaha, iyadoo daroogooyinka loo sii gudbiyo dalalka dariska ah, sida uu booliisku sheegay. Sida laga soo xigtay SVT.

Ted Esplund oo ka tirsan waaxda sirdoonka ee waaxda howlgallada qaranka ayaa ku tilmaamay dalka Sweden inuu yahay wadan la sii maraayo oo daroogo tiro badan lagu iibiyo gudaha dalka, kuwaasi oo qaarkood loo diro Norway iyo Finland. “Sidoo kale waxaa jira kiisas dawooyin maandooriye ah oo si qarsoodi ah boostada loogu soo geliyo Australia iyo Mareykanka,” ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, Esplund waxay rajo ka qabta in tiro badan oo dembiilayaal caan ah oo ka ganacsata kooxaha daroogada lagu xukumo xabsi dheer.

“Waxaan horay u sii wadeynaa shaqadayada si aan u awoodno inaan ku soo rogno sharciga,” ayuu raaciya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here