Home Wararka Maanta Booliska Sweden oo xiray Hooyo Wiilkeeda ku xirtay Guriga 28 Sano

Booliska Sweden oo xiray Hooyo Wiilkeeda ku xirtay Guriga 28 Sano

0
Photo/TT

Haweeney 70 jir ah oo ku nool magaalada Stockholm ayaa la xiray iyadoo looga shakisan yahay inay wiilkeeda xirtay 28 sano, ilaa yaraantiisii. 

Markii gabar qaraabo ah ay soo gasho guriga maalintii Axada, waxay la kulantay ninka oo argagaxsan. Ma uusan lahayn ilko, lugaha waxaa ka muuqday nabarro isagoo u socday si dhib ah

Habeenimadii Axada, dhakhaatiirta cusbitaalka New Karolinska waxay warbixin u gudbiyeen booliska. Kadib booliska ayaa helay ninkan 41 sano jirka ah oo xaaladiisa ay tahay mid adag.

Ninkan ayaa Karolinska lagu keenay Ambalaas kadib markii gabadh ay qaraabo yihiin ay gashay guriga isla markaana ay aragtay ninka iyo xaalada uu ku sugan yahay.

Ehelka ayaa booliska u sheegay in sanado badan oo laga shakiyay kadib, in la xaqiijiyay falkaasi kadib markii qof kamid ah qaraabada uu galay guriga.

Haweeneyda 70 jirka ah, oo hadda la xiray oo loo xiray falkan ayaa lagu eedeeyay shakisan in qofkan ay xorriyadda uga qaaday si sharci darro ah waxaa sidoo kale looga shakisan yahay inay wiilkeeda xirtay tan iyo markii uu jiray 12 sano.

Sida laga soo xigtay dadka ka agdhow qoyska ee ay booliisku hada baarayaan,  wuxuu ku xirnaa guriga hooyada. tan iyo fasalka 7 aad ee dugsiga.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here