Home News in English Booliska Sweden oo war kasoo saaray Dadka Safraya ee u baahan Basaboorka...

Booliska Sweden oo war kasoo saaray Dadka Safraya ee u baahan Basaboorka Sanadka 2023

0
Foto: Henrik Montgomery/TT

Booliisku ayaa ku bootinaya qof kasta oo qorsheynaya inuu safro xagaaga soo socda inuu hadda codsado ballanta baasaboorka.

Sarkaal ka tirsan booliiska degmada Galbeedka Morgan Orvenholt ayaa sheegay in waqtiyada bixinta baasaboorka ay wali dheer yihiin. Sida ay sheegtay Göteborg Posten maanta.

Dalka Sweden ayaa waxaa ka dhacay qalalaase ka dhashay bixinta baasaboorka gu’gii iyo xagaagii lasoo dhaafay, taasoo ka dhalatay dalabaad badan kadib markii muwaadiniin badan ay ka gaabsadeen inay cusboonaysiiyaan baasaboorka intii lagu jiray cudurka Corona.

Qalalaasahan ayaa sababay in booliska gobolka galbeedku ay ku dhawaaqaan xaalad degdeg ah oo ay ku soo rogeen shaqaalahooda gugii hore si ay u daboolaan baahida badan ee loo qabo.

Booliska ayaa sheegay inay soo dhameystireen baasabooro badan, islamarkaana xaaladdu ay aad u soo hagaagtay, balse ay jiraan caqabado jira. Sidaa darteed booliisku waxay ku booriyeen dadka deegaanka ee qorsheynaya inay u safraan xagaaga soo socda inay hadda dalbadaan baasaboor. Si loo yareeyo wakhtiyada sugitaanka xilliga ugu sarreeya ee xiga.

Waqtiga la sugayo bixinta baasaboorka ka dib marka la codsado ayaa hadda ku dhow laba bilood gobolka galbeedka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here