Home Wararka Caalamka Booliska Sweden oo ka hadlay 14 Sano jir lagu layahay Nyköping

Booliska Sweden oo ka hadlay 14 Sano jir lagu layahay Nyköping

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Dacwad oogayaasha Sweden ayaa ka shakiyay in wiil 14 jir ah oo muddo labo todobaad ah laga waayay magaalada Nyköping la dilay. Kiisku waxa laga yaabaa inuu xidhiidh la leeyahay kiis kale oo dil ah.

Wiil 15 jir ah ayaa horey loogu soo oogay dacwad ah in uu ka qeyb qaatay afduubka 14-jirka maqan.

– Hadda kama faalloon karo in wiilka la xidhay uu yahay tuhmane dilka, xafiiska xeer ilaalinta ayaa ku sheegay war-saxaafadeed Isniintii.

Wiilkan oo 15 jir ah ayaa todobaadkii hore maxkamada degmada Södertörn ku xukuntay in xabsiga lagu sii hayo. Wiilka la la’yahay oo 14 jir ah kana yimid Nyköping ayaa ku noolaa machad markii la waayay dhamaadkii bishii Luulyo.

Booliiska iyo dacwad oogayaasha ayaa horay u sheegay inay tuhunsan yihiin in dhowr qof ay ku lug lahaayeen waxa ku dhacay wiilkan 14-jirka ah. Qareenka Wiilka 15-jirka ah ayaa sheegay in wiilka uu dafiray dambiga lagu soo eedeeyay.

Isla markaa, booliisku waxay sii wadaan inay baaraan xiriirka suurtagalka ah ee lala leeyahay 14-jir kale oo isku mar la waayay. kaas oo meydkiisa laga helay meel kayn ah oo ka baxsan Nynäshamn, oo 12 mayl u jirta Nyköping, dhamaadkii bishii Luulyo. Dilka ayaa loo baarayaa inuu ahaa dil, mana jirto cid hadda looga shakisan yahay dilka.

Labadan wiil oo 14 sano jir ah ayaa ku noolaa xarumo kala duwan oo daryeelka carruurta ah oo ku yaalla degmada Nyköping, waxaana labadoodaba la sheegay in la waayay dhammaadkii bishii Luulyo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here