Home News in English Booliska oo ka hadlay Waqtiga Sugitaanka dheer ee cusboonaysiinta baasaboorka Sweden

Booliska oo ka hadlay Waqtiga Sugitaanka dheer ee cusboonaysiinta baasaboorka Sweden

0

waxaa siii kordhay muddooyinkan sugitaanka ballamaha cusboonaysiinta baasaboor ee waaxda booliska gaarka ah ee Sweden.

Qaadista xayiraadaha Corona waxay gacan ka geysatay baahida aadka u sareysa ee loo qabo Sarada Dalka Dibadiisa iyo helitaanka Basabooro.

Booliska ayaana Warbaahinta u sheegay sida Dadka ku heli karaan Balamo dhow.

Waqtiga sugitaanka ee qaadashada baasaboorka magaalooyinka sida Skåne ayaa gaaray lix toddobaad.

Xaaladaha caadiga ah, muddada sugitaanku waa qiyaastii laba toddobaad, laakiin magaalooyinka Malmö, Kristianstad iyo Lund, waxay gaaraan bil ama ka badan, halka magaalooyinka kale sida Landskrona ay u dhexeyso hal illaa saddex toddobaad.

Sidaas darteed boolisku wuxuu ku casuumay dadka, kuwaas oo aan awoodin inay ballansadaan ballamaha aaggooda, inay aadaan aagag kale sidaasi oo u sahli karta helitaanka balamaha.

“Talada aan siineyno kuwaa ayaa ah in si dhaqso ah loo helo ballamo meelo aan ahayn meesha aad ku nooshahay,” ayuu afhayeenka booliiska Kali Persson u sheegay SVT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here