Home Wararka Maanta Booliska Norway oo hakiyay Masaajid ay ka Socota Salaada Jimcaha

Booliska Norway oo hakiyay Masaajid ay ka Socota Salaada Jimcaha

0

Xili Dowlada Norway ay soo saartay in 10 qof oo kaliya ay iskugu imaan karaan hal goob ayaa mid kamid ah Masaajida Norway gaar ahaan Magaalada Sarpsborg ay iskugu yimaadeen ku dhawaad 22 qof.

Booliska magaalada ayaa gaaray goobta waxana ay joojiyeen saalada Jimcaha oo halkaasi lagu tukanrabay iyagoo dadkii ku sugnaa goobta ka qortay macluumaadkooda.

Sida uu ku waramayo VG booliska ayaa qoray magacyada 22 qof iyo goobaha ay magaalada kaga noolyihiin iyagoo intaasi ku daray in ay maxkamad ka dacweenayaan.

Qoris dadkaasi ayaa ku aadan in la karantiilo hadii qof kamid ah laga helo xanuunka Corona.

Booliska Norway ayaa dhoor jeer galay meelo dhoor ah waxana ugu danbeeyay falkii ay ku galeen maqaaxi somali ah halkaasi oo dadkii ku sugnaa laga qortay macluumaadkooda.

Somaliska Oslo

Xigasho/VG

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here