Home Wararka Denmark Booliska Denmarka oo qabtay 9 Qof oo soo qaadayay 325 kilo oo...

Booliska Denmarka oo qabtay 9 Qof oo soo qaadayay 325 kilo oo cocaine ah

0

Sagaal qof ayay qabteen bilayska Kobanheegan markii ay ku guda jireen soo saarista 325 kilo oo kokain ah oo ku jirtay konteynar yaalay Hedehusene galbeedka Kobanheegan.

Gelinkii hore ee maanta, konteenarka waxaa la geeyay shirkad ku taal Hedehusene ka dib markii uu Denmark ku yimid markab ka yimid Jarmalka.

Booliska ayaa awooday in ay xiraan sagaalka qof markii ay heleen warbixin ka timid saraakiisha kastamka Jarmalka. Saraakiisha kastamka JarmalkaToddobaadkii hore ayaa qabtay 325 kiilo oo cocaine ah oo konteenarku u sii gudbay Danmark, markaasi oo bilayska ay xireen dadka lagu qabtay

Shirkadda Hedehusene ma ogeyn in konteenarka uu sidoo kale ku jiro cocaine. arintan ayaana hada lagu wadaa baaritaan xoogan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here