Home Wararka Maanta Booliska Degmada oo xiray Xafiisyada Basaboorka ee Caasimada Oslo

Booliska Degmada oo xiray Xafiisyada Basaboorka ee Caasimada Oslo

0
Photo HÃ¥kon Mosvold Larsen / NTB

Xaaladda infekshinka ee gobolka Oslo awgood, ayaa Booliska degmada Oslo waxay hadda xirayaan xafiisyadoodii baasaboorrada waxayna joojinayaan ballamihii maamulka socdaalka.

Booliska ayaa go’aankaas ku shaaciyay war saxaafadeed ay soo saareen.

Xafiisyada baasaboorka ayaa marka hore la xirayaa laga bilaabo Arbacada, 17-ka Maarso, iyo illaa iyo 9-ka Abriil.

“Waxaa taleefanka lagu heli doonaa inta lagu jiro saacadaha caadiga ah ee taleefanka, waana suurtagal in la dalbado baasaboor haddii uu yahay safar muhiim ah,” ayay booliisku intaas ku dareen.

Isla mar ahaantaana, qaybta maamulka socdaalka ayaa go’aansatay inay joojiso ballamaha. Codsiyada ogolaanshaha joogitaanka waxaa loo gudbin karaa qaab dijitaal ah, booliska ayaa xusay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here