Home Wararka Maanta Booliska Caasimada Oslo oo Xiray Goob Dukaan ah oo ku taalla Xaafada...

Booliska Caasimada Oslo oo Xiray Goob Dukaan ah oo ku taalla Xaafada Grønland

0

Caasimada Oslo ee Norway Waxaa Saaran Xayiraado dheeri ah kadib markii Xanuunka uu ku soo batay waxana Booliska ay kormeen xoogan ku sameenayaan goobaha dadka ku badanyihiin taasi ayaana keentay in la xiro Goob dukaan ah oo ku taala Nawaaxiga ay daganyihiin Dadka ajaanibta ee Grønland.

Booliska oo Qoraal soo dhigay Barta uu ku leeyahay Qeybta Twitterka ayaa ku shaaciyay in ay xireen Dukaan ku yaala Nawaaxiga Grønland kadib markii uu jabiyay Sharciga dhawaan ka bilowday Caasimada Oslo.

Qoraalka Booliska waxana uu sidoo kale ku faafaahiyay in Dukaamo kale oo goobta ka dhawaa ay durba xireen marka ay arkeen booliska falka ayaana ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeen T-bane-ka.

Dukaanka la xiray ayaa sidoo kale laga gudbiyay dacwad la xiriirta jabinta Sharciga Caasimada ee dhawaan Dowlada soo saartay si xanuunka looga hortago.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here