Home Wararka Maanta Belgium-ka Gabar Somali ah oo loo dhaariyay Golaha Deegaanka ee magaalada Leuven.

Belgium-ka Gabar Somali ah oo loo dhaariyay Golaha Deegaanka ee magaalada Leuven.

0

Sahra Maxamed Khalif oo ah gabar Soomaaliyeed 21 jir ah ayaa si rasmi ah uga mid noqoneysa xubnaha Golaha deegaanka magaalada Leuven ee dalka Belgium kadib markii loo dhaariyay xilkan.

Waa markii ugu horeysay taariikhda dalka Beligium oo shaqsi ka soo jeeda dalka Soomaaliya loo doorto xil.
Waxaa ay ka soo gashay golaha deegaanka xisbiga u janjeera garab bidix ee loo yaqaano Belgian Socialist Party (SPA) oo ka mid ah axsaabta ugu waaweyn dalka Belgiumka.

Waxaa ay dhigataa Jaamacadda magalaada Leuven gaar ahaan culuumta adduunka (International Studies) ayaa ah shaqsi mustaqbla wanaagsan ku leh siyaasadda dalka Belgium.

Dhaarinteeda waxaa siweyn u soo dhaweeyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Belgium-ka oo siweyn ula socday guusheeda, sidoo kale waxaa ku farxay guusha ay gaartay Sahra labadeeda waalid.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here