Home Wararka Caalamka Basaboorka Sweden oo la Adkeenayo Sida uu sheegay Booliska

Basaboorka Sweden oo la Adkeenayo Sida uu sheegay Booliska

0

Tan iyo Markii la Fududeeyay helitaanka Basaboorka Dalka Sweden ee la Cusbooneysiiyo Waxaa jirta dhibaato ka taagan Xaruumaha Booliska ee ku saabsan Basaboorka.

Badankooda Basaboorada la Jadiidiyay ayaa wali yaalla Xaruumaha Booliska iyadoo dadka iska lahaa aysan soo doonan.

Booliska ayaa Cadeyn u waayay Sababta ka Danbeysa in Dadka aysan soo doonan Basaboorka loo Cusbooneysiiyay.

Goobaha Qaar Waxaa la dhaafay mudada loogu tala galay in Basaboorka uu yaalo Xaruunta Booliska oo ah 3 Bilood.

Tusaale Ahaan Jönköping waxaa yaalla 6,000 kun oo Basaboor ah 600 boqol oo kamid ah waxay dhaafeen Xiliga loogu talla galay Waxana halkaasi ku qasaartay 240,000 kun oo Koroon.

Booliska ayaa warbixintooda ku sheegay in taasi keeni karto adkeenta Basaboorka iyo qaabka lagu helo maanta.

Xiliga Kuleelaha ee aan soo dhaafnay Helitaanka Basaboorka ayaa ku adkaatay Sweden meelaha Qaar waxaa dadka ay heli kari waayeen Balanta Booliska.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here