Home Wararka Caalamka Barlamaanka Turkiga oo Ansixiyay Heshiiska lala galay Somalia

Barlamaanka Turkiga oo Ansixiyay Heshiiska lala galay Somalia

0

Baarlamanka dalka Turkiga ayaa ansixiyey  mooshinkii uu dhowaan hor geeyey Madaxweyne Erdogan kaasoo ahaa in ciiddamo Badeed iyo Maraakiib dagaal oo Turkigu leeyahay la geeyo xeebaha Soomaaliya.

Muddada sharciga ah ee Baarlamaanka ay ansixiyeen ayaa ah labo sanno, wuxuu u baahan doonaa in waqtigaa dib loo cusboonaysiiyo.

Arrintan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo lagu fulinayo heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhaxmaray Somalia Türkiye.

Heshiiskaas iskaashi oo khuseeyey dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii Febraayo ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidan badeed.

Somaliland ayaa dhowaan gaashaanka u daruurtay Ciiddamada Turkiga ee ku soo wajahan xeebaha Geeska Afrika iyada oo ka digtay in ay u soo dhowaadaan Biyaha Somaliland.

Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2010kii saameyn xoogan ku leh Somalia, waxaa uu maamulaa gegida dayuuradaha iyo dekeda caalamiga ah ee Muqdisho, isagoo saldhig milateri iyo safaarad weyn ku leh Somalia waana saaxiibka ugu weyn dowlada Somalia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here