Home Wararka Maanta Barlamaanka Sweden oo Dowlada Awood u siiyay in ay xiri karto Iskuulada

Barlamaanka Sweden oo Dowlada Awood u siiyay in ay xiri karto Iskuulada

0

Golaha sharci dejinta Sweden oo ka kooban (55 xildhibaan) ayaa khamiistii si aqlabiyad leh ugu codeeyey haddii loo baahdo iney dawladda si ku meel ah u xiri karto dugsiyada hoose/dhexe iyo xannaanada carruurta, si looga hortago caabuqa corona.

In tallaabadaa la qaado waxaa sidoo kale loo baahan yahay qodobbo dhowr ah in marka hore la fuliyo. In la caddeeyo xirfadaha muhiimadda ugu fadhiya dhismaha bulshada ee lagama maarmaanka ah, kuwaasina oo shaqaalahooda aan loo baahneyn iney khatar u galaan iney ilmahooda guriga kula xayirmaan haddii iskuullada iyo xannaanooyinka la xiro.

Qodob kale ee dawladdu ku howlan tahay ayaa ah, sidee ayaa loo mushaar siin doonaa waalidka ku khasbanaada iney guryaha la joogaan ilmahooda haddii iskuullada iyo xannaanooyinka la xiro.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here