Home News in English Barlamaanka Sweden oo Ansixiyay Sharci Lagu Musaafurinayo Ajaanibta Qaarkood

Barlamaanka Sweden oo Ansixiyay Sharci Lagu Musaafurinayo Ajaanibta Qaarkood

0

Baarlamaanka Sweden ayaa shalay ansixiyay soo jeedintii dowladda ee ahaa in la soo saaro sharciyo adag oo ku saabsan masaafurinta ajaanibta lagu helo dambiyada, si ay u sahlanaato in dadka la xukumo.

Hindisaha Xukuumadda oo dhaqan galay markii uu Baarlamaanka ansixiyay laga bilaabo bilowga bisha August ee soo socota, ayaa waxaa ka mid ahaa dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin.

  • Masaafurinta culayska dembiga la galay awgeed waxa ay ku iman kartaa qiyamka ganaaxa ka hooseeya kan maanta lagu dabaqo.
  • Adkeynta shuruudaha qofka ajnabiga ah ee lagu tixgalinayo inuu dhex galay bulshada Iswiidhan si aan loo tarxiilin.
  • In meesha laga saaro shuruuda ah in ay jiraan sababo gaar ah oo lagu masaafurinayo marka qofka ajnabiga ah ee la xukumay uu Iswiidhan joogo muddo dheer.
  • In meesha laga saaro, xaaladaha qaarkood, mamnuucidda masaafurinta qofka Sweden yimid markii uu yaraa, laguna beddelo shuruudo kale oo lagu joojinayo masaafurinta.
  • Mamnuucida dib ugu soo laabashada dalka ayaa noqon doonta mid dheer waxayna dhaqan gali doontaa maalinta la dhoofayo.

Dawladdu waxay kaloo soo jeedisay in la kordhiyo fursadaha sharci-dejinta loogu diido ajaaniibta dembi galay, iyo in la xoojiyo ka-hortagga ka-noqoshada sharci-deggaanshiyaha kuwa la kulma gacan-ka-hadal ama xadgudubyo halis ah oo xiriir dhow la leh

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here