Home Wararka Maanta Barlamaanka Norway oo Ansixiyay Sharciga cusub ee lagu Mamnuucayo indho-Shareerka..

Barlamaanka Norway oo Ansixiyay Sharciga cusub ee lagu Mamnuucayo indho-Shareerka..

0

Mudo dheer oo dood ka taagneyd indho Shareerka ama Niqaamka ugu dabneyn Barlamaanka Dalkaasi Norway ayaa u codeeyay Mamnuucida indho shareerka ee goobaha qaarkood.

Sharciga Mamnuucida ee Niqaamka ama indho Shareerka ayaa dhaqan galaya Deyrta soo socota Markaasi oo si toos ah loo dhaqan galindoono.

Goobaha laga Mamnuucay indho Shareerka.

Sida Barlamaanka laga horsheegay Waxaa laga mamnuucay Goobaha Waxbarashada Sida Jaamacaha , Iskuulada iyo Dugsiyada sare ee Dalka Sidoo kale Goobaha Waxbarashada Dadka Soo galootiga iyo Xanaada Caruurta ayaa laga mamnuucay.

Dowlada Norway ayaa u muuqata mid Sii Wada Qorshaheeda ay ku cadaadineyso Muslimiinta iyo sidoo kale soo galootiga dalkaasi ku sugan iyadoo wadanka hada uu heesto Xisbi kasoo horjeeda Qaxootiga.

Somaliska Oslo

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here