Home Wararka Denmark Barlamaanka Midowga Yurub oo u codeeyay Sharci Cusub oo internetka ah.

Barlamaanka Midowga Yurub oo u codeeyay Sharci Cusub oo internetka ah.

0

Xubnaha Barlamaanka ku jira Midowga Yurub ayaa u codeeyay Sharci mudo dhoor ah la sugayay oo dhanka internketka ah kaasi oo ku aadan xaquuqda wararka iyo waxyaabaha kale ee lasoo galiyo dhanka internetka.

Sharciga la ansixiyay ayaa quseeya in shirkadaha Facebook, Youtube iyo Google ay qaadaan masuuliyad ku aadan waxa lasoo galiyo websiteyada ay leeyihiin si uusan qof kale u qaadan warbixintaasi.

Dadka sharcigan doonayay ayaa u arka in uu faa’ido u leeyahay warbaahinta , dadka muuqaalada leh iyo qoraayaasha lakin dadka kasoo horjeeda sharcigan ayaa u arka in xurnimada dhanka internetka ay hoos u dhageyso.

xildhibaanada u cadeeyay haa ayaa gaaraya 348 halka 274 ay kasoo horjeesteen sharciga lakin sharciga cusub xiliga uu bilaabanayo ayaana si rasmi ah loo shaacin.

Hadii Sharciga uu bilowdo waxaa yaraaneyso tirada warbaahinta qaata sawirada iyo warbixinada aan la ogoleen ee (Copyright ) taasi oo dhibaato xoogan ka jirto.

Somaliska belgium

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here