Home News in English Baaris lagu sameenayo Sharciga Imtixaanka Luuqada ee Qaadashada Dhalashada Sweden oo lasoo...

Baaris lagu sameenayo Sharciga Imtixaanka Luuqada ee Qaadashada Dhalashada Sweden oo lasoo bandhigay

0

Baaris ayaa iminka loo saarayaa sidii loo caddeeyn lahaa shuruudaha qofka laga doonayo inuu ka gudbo imtixaanka luuqadda iyo hab nololeedka bulshada, si uu ku qaato dhalashada dalka.

Dhanka kale xisbiga Moderaterna ayaa ka soo hor jeeda in baaraha laga hor istaagey inuu ka soo talo bixiyo habkii dib looga ceshan kari lahaa muwaadinnimada, tusaale ahaan dadka ku biirey ururka Daacish.

Xisbiyada dawladda ku bahoobay, xisbiga Centerpartiet iyo Liberalerna ayaa heshiis ku wada gaarey in baaris loo saaro sidii loo adkeeyn lahaa shuruudda qaadashada dhalashada dalka.

Go’aankase baaraha la siiyay ayaa ah in ugu dambeeyn 15-ka bisha oktoobar ee sannadka 2020 in la soo bandhigo shuruudaha imtixaanka luuqadda iyo hab nololeedka dalka – samhällskunskap ee laga dooneyo qofka dhalashada dalbanaya..

Baarista ayaa sidoo kale lagu eegi doonaa suurtagalka sidii looga hor tegi lahaa iney dhalashada dalka qaataan dhallin yarada dunuubta badan horay u gashay ee kooxaha dembiyada isku bahaysta,  iyo dib u eegista dhallaanka dalka ku dhasha ee waalidiinta aan waddammada laheyni dhaleen.

1-da bisha may 2021 ayaa la soo bandhigi doonaa ugu dambeeynta xeer fikireedka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here