Dadka faransiiska ku nool ayaa dacweeyay shirkada App-ka ee Muslim bro kaasi oo lagu eedeeyay in shirkada ay gudbisay xog ay leeyihiin ciidanka xogtaasi oo loo gudbiyay ciidanka mareykanka.
Shirkada oo ay ku xiranyihiin 95 milyan waxaa aas aasay nin faransiis oo ku nool Dalka Singapore kaasi oo sheegay in la bilaabayo baaritaan la xiriiro arintaasi.
Kiisaska dacwada oo soo gudbiyeen qareeno u dhashay Dalka Faransiiska waxaa baahiyay raadiyaha RTL kaasi oo sheegaya in shirkada ay sameesay ku xadgudub muwaadiniinta ah iyo shirqoolo dil ah.
arintan ayaa timid kadib markii Warbaahinta Mareykanka ee Vice ay dhawaan shaacisay in dowlada mareykanka gaar ahaan ciidanka ay dhoor app ka iibsato xogta dadka markaasi isticmaala.
Warbaahinta Vice ayaa dhanka kale waxay sheegtay in shirkada Muslim pro ay kamid tahay shirkadaha iibsaday xogtaasi.
Shirkada ayaa hada shaacisay in ay joojineysoa xogta ay la wadaagto shirkada qaar isla markana ay bilaabeyso baaritaan.
Somaliska Faransiiska