Home Wararka Maanta Annie lööf oo ku baaqday in labo todobaad la xiro xarumaha ganacsiga...

Annie lööf oo ku baaqday in labo todobaad la xiro xarumaha ganacsiga iyo maqaayadaha

0

Gudoomiyaha Xisbiga Center-ka, Annie Lööf, ayaa ugu baaqday dowlada inay xirto xarumaha ganacsiga, maqaayadaha iyo goobaha jimicsiga mudo labo ilaa seddex isbuuc ah si loo xadido faafitaanka cudurka Corona.

TV-ga Sweden ayay maanta u sheegtay, “Hadda waxaa jira sharciga Corona, dowladuna waa inay ku dhaqaaqdaa oo ay adeegsataa awoodaha ay bixiso,” iyadoo tixgelinaysa in xayiraadaha jira aysan “ku filnayn.”

“Waxaan aragnaa inaan ku jirno mowjad saddexaad,waa in tallaabooyin adag la qaadaa xilli hore,” ayay raacisay.

Annie ayaa ku baaqday in la xiro shirkadaha sida xarumaha wax laga iibsado, suuqyada waaweyn, goobaha jimicsiga iyo makhaayadaha muddo u dhexeysa labo ilaa saddex toddobaad, iyadoo shardi ah in shirkaduhu ay helaan magdhaw boqolkiiba boqol ah, oo ay ku jiraan magdhawga mushaharka.

haddii xiritaanka dhowr toddobaad ay ku filnaan doonto, waxay tiri ”tani waa waqtigii uu oggol yahay sharciga Corona”.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here