Home News in English Andersson: Waxaan diyaar u ahay inaan u safro Turkiga

Andersson: Waxaan diyaar u ahay inaan u safro Turkiga

0
Foto: Paul Wennerholm / TT

Ra’iisul wasaaraha Sweden, Magdalena Andersson, ayaa xaqiijisay in ay diyaar u tahay in ay u safarto Turkiga si ay wadahadal ula yeelato madaxda Turkiga, oo ku saabsan mowqifka Ankara ee ku aaddan xubinnimada Sweden ee NATO.

“Waxaan raadineynaa xiriir aan la leenahay Turkiga , waxaana diyaar u nahay wadahadal heerar kala duwan ah, sidoo kale, dabcan, waxaan u safri doonaa Turkiga,” Andersson ayaa tiri, mar ay shir jaraa’id la qabatay maanta madaxweynaha Finland Sauli Niinistö magaalada Stockholm .

Madaxweynaha Finland ayaa dhankiisa sheegay inuu la yaabay mowqifka Turkiga ee ku aadan ka mid ahaanshiyaha Sweden iyo Finland ee NATO.

Isla shirkaa jaraa’id waxa uu yidhi “Waxaan wada hadal taleefoon ah la yeeshay Madaxweyne Erdogan horraantii bishii April. Waxaa caddaatay inuu taageeray xubinnimada Finland. Hadda waxay u muuqataa inay jiraan fikrado kale oo arrintaas ku saabsan,” balse wuxuu intaas ku daray inuu weli rajo ka qabo xallinta arrintan.

Waxa uu xaqiijiyay in labada dal ee Finland iyo Sweden ay diyaar u yihiin inay wadahadal la yeeshaan Turkiga.

Shalay, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dib u soo cusboonaysiiyay mucaaradkiisa ku aaddan in labada dal ay galaan NATO, haddii aan la aqbalin dalabaadka Ankara ee la xiriira Finland iyo xiriirka Sweden ay la leedahay ururada Kurdiyiinta, oo Turkigu ku tilmaamay argagixis

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here