Home News in English Amer iyo Yusra oo qeyb ka ah tirada Qaxootiga loo diiday Sharciga...

Amer iyo Yusra oo qeyb ka ah tirada Qaxootiga loo diiday Sharciga ee dib loogu celinayo Dalkooda

0

hay’adda Socdaalka Sweden ayaa Sadaxdii Sano ugu danbeesay kordhisay tirada Dadka ay siisay diidmada kuwaasi oo laga diiday Codsigooda Magangalyo waxaana Dadkaasi kamid ah Amer iyo Yusra oo Asal Ahaan kasoo jeeda Dalka Ciraaq.

Labadooda oo ku jira Da’da 60 sano jirka ayaa ku Nool Halland Halkaasi oo aysan ku heysan guri iyo Nolol waxaana intaasi u dheer go’anka laanta Socdaalka oo amartay in wadanka laga tarxiilo iyagoo ku sugan goob banaan ah oo magaalada ku taala ayay u warameen radio Sweden.

Amer ayaa u sheegay Radiyaha in aysan ku laaban karin Dalkooda madama aysan heysan wax lacag ah iyo guri intuba waxana uu codsaday caawin.

Sadaxdii sano ee lasoo dhaafay go’anka laanta Socdaalka ayaa u badnaa mid diidmo ah Dad badan oo wadanka ku nool ayuuna saameen Xoogan ku yeeshay Dalalka ugu badan ayaana kala ah Ciraaq iyo Afganistan kuwaasi oo xitaa lasoo saaray go’ano in dib loogu celiyo.

Ugu danebyn Laamahan ku sugan Halland ayaa qeyb  ka ah Lamaano badan oo heesta Diidmo kuwaasi oo Xaalada Corona ay u sii dheertahay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here