Home Wararka Maanta Amar lagu xirayo Dadka sameeya Warqadaha Corona ee been abuurka oo lasoo...

Amar lagu xirayo Dadka sameeya Warqadaha Corona ee been abuurka oo lasoo saaray

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Masuuliyiin Garsoorka Sweden ayaa soo saaray amar lagu xirayo DR Hamaad Siciid oo maamula shirkadda daryeelka caafimaadka ee Doktorgruppen,

Dhaqtarka ayaa lagu heesta in uu soo saaray warqado been abuur ah oo ku aadan Corona taasi oo dadka ku safrayaan marka ay safar doonayaan.

Dad ku dhow 100,000 kun oo qof ayaa loo sameeyay warqadaasi kuwaasi oo laga qaaday lacag gaareysa 1500 kun oo Corona iyadoo loo sameeyay warqada been abuurka ah.

Dhakhtarkan ka sokow, masuuliyiinta garsoorku waxay soo saareen waaran qabasho laba qof oo kale, halka booliisku ay qabteen, Sabtidii, saddex tuhmane kale.

Dr. Hammad Al-Siciid waxaa loo arkaa inuu masuul ka yahay tijaabooyinka Corona, ee la soo saaray iyadoo aan natiijooyinka la falanqeyn gabi ahaanba, sida tuhunka boolisku qabo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here