Home News in English Agaasimaha Migrationsverket-ka oo Cadeeyay Waqtiga jawaab helista Mideynta Qoysaska iyo Dadka Qaxootiga

Agaasimaha Migrationsverket-ka oo Cadeeyay Waqtiga jawaab helista Mideynta Qoysaska iyo Dadka Qaxootiga

0
Foto: Henrik Montgomery/TT

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Iswiidhan Mikael Repinvik ayaa ka jawaabey dhaleeceyn ku saabsan waqti dheer oo sugitaan deganaansho iyo go’aanno muwaadinimo Iswiidhan ah.

Waxa uu sheegay in laga bilaabo sanadka Cusub dhamaadkiisa dadka ay jawaabtooda ku helayaan 6 bilood ugu yaraan ugu badnaan 9 bilood taasi oo hada laga shaqeynayo.

Jimcihii, Ombudsman (JO) wuxuu si adag u dhaleeceeyay hay’adda oo aan go’aan ka soo saarin hal kiis oo magangalyo ah inkasta oo ay dhaaftay 40 bilood, kiis mideynta qoysaska, oo la xareeyay 29 bilood ka hor, iyo kiis kale oo dib u mideyn ah oo loo gudbiyay waaxda 36 bilood ka hor .

Xafiiska Ombudsman-ka ayaa sheegay in hey’adda socdaalka aysan dib dambe ugu eedeyn karin dib udhaca qaxootiga badan ee soo galay Sweden sanadkii 2015

Repinvik wuxuu yiri xota Ombudsman-ka waxay salka ku heysa arimo been ah”.

“Dhamaanteen waan isku raacsanahay inaan u baahan nahay inaan sii wadno yareynta waqtiyada ka baaraandegista codsiyada, laakiin dooda Ombudsman-ka ee ah in dhibaatada la xalin lahaa maadaama socdaalka Sweden uu yaraaday kuma filna,” ayuu yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi, “Xitaa haddii tirada dadka Sweden imanaya ay ka yar tahay sidii hore, taasi macnaheedu maaha in tirada kiisaska aanu la tacaalayno ay hoos u dhacday. Waxaa jira sharci deganaansho ku meel gaar ah oo loo baahan yahay in lagu cusbooneysiiyo qadar cayiman. ”

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka ayaa sheegay in tirada kiisaska magangalyada, mideynta qoysaska iyo codsiyada muwaadinimada ay ka kordheen 172 kun oo ay gaareen 207 kun isla waqtigaas oo tirada shaqaalaha hey’adda laga dhigay 9,000 ilaa 5,000.

Repinvik wuxuu sheegay inuusan ku talo jirin inuu codsado maalgelin dheeri ah si loo yareeyo liisaska sugitaanka si deg deg ah.

“Ma xiiseynayo inaan ka dalbado dowladda ilo dheeri ah, gaar ahaan inta lagu guda jiro masiibada Corona,” ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey, “Ma doonayo inaan shaqaalaysiiyo dad aad u tiro badan kuwaasoo markaa shaqada ka fadhiisan doona isla marka ay bilaabaan shaqooyinkooda cusub ee waaxda.”

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hay’addu ay gaari doonto yoolalka ay ka leedahay yareynta waqtiyada sugitaanka iyadoo si toos ah u qalabaynaysa howlaha qaar si kiisaska wax looga qabto looga dhigo kuwo wax ku ool ah.

Waxa uu sheegay in dhamaadka sanadkaan lafilayo in hay’ada ay gaarto hadafka loo dajiyay ee wax looga qabanayo codsiyada magangalyo doonka, taasi oo ah celcelis ahaan lix bilood, sanadka soo socdana ay gaari doonto hadafka ah yareynta celceliska waqtiyada wax ka qabashada mideynta qoysaska. kiisaska illaa sagaal bilood.

Laakiin wuxuu qirey in hay’addu aysan gaari doonin hadafkeeda ah codsiyada muwaadinimada illaa iyo sanadka 2023, in kasta oo mustaqbalka la dhexgelinayo kheyraad.

Wuxuu tilmaamay in qeybo dheeri ah oo ka tirsan maamulka laga furi doono Utbury

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here