Home Wararka Maanta Afayeenka barlamaanka oo ka hadlay Kulamada uu la qaatay Hogaamiyasha Xisbiyada

Afayeenka barlamaanka oo ka hadlay Kulamada uu la qaatay Hogaamiyasha Xisbiyada

0

Afayeenka baarlamanka Sweden Andreas Norlén ayaa dhowaantan ka faallooday wadahadallo uu la yeeshey labada hoggaamiye ee Stefan Löfven (S) iyo Ulf Kristersson (M).

” waxaan maanta la hadlay labada musharrax ee ugu cadcad iney qabtaan xilka dawlad dalka hoggaamisa anigoona ka dhageeystay habka ey xaaladda u qiimeeyneyaan.

Dhanka kale sida ku cad jadwalka u degsan dhismaha dawladda waxaan ka heli doonaa akhbaarro hor leh Stefan löfven iyo Ulf Kristersson 2019, sida uu sheegay afayeenka baarlamanka Andreas Norlén.

Afayeenka baarlamanka Sweden ayaa ku dhawaaqay 19-kii diseembar inuu baarlamanka u soo jeedindono hoggaamiye hor leh 14-ka bisha jannaayo, si cod loogu qaado 16-ka jannaayo.

Wixi muddadaa ka horreeya ayuu sheegay Afayeenka baarlamanka Sweden inuu dhammaan u xilsaarey hoggaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka iney ka wada xaajoodaan sidii uu dalku dawlad u yeelan lahaa. Iyo sidoo kale in loo sarey labada hoggaamiye ee Stefan Löfven (s) iyo Ulf Kristersson (M) sidii ey warbixin joogto ah ula qeybsan lahaayeen af ​​hayeenka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here