Afayeenka baarlamanka Sweden Andreas Norlén ayaa dhowaantan ka faallooday wadahadallo uu la yeeshey labada hoggaamiye ee Stefan Löfven (S) iyo Ulf Kristersson (M).
” waxaan maanta la hadlay labada musharrax ee ugu cadcad iney qabtaan xilka dawlad dalka hoggaamisa anigoona ka dhageeystay habka ey xaaladda u qiimeeyneyaan.
Dhanka kale sida ku cad jadwalka u degsan dhismaha dawladda waxaan ka heli doonaa akhbaarro hor leh Stefan löfven iyo Ulf Kristersson 2019, sida uu sheegay afayeenka baarlamanka Andreas Norlén.
Afayeenka baarlamanka Sweden ayaa ku dhawaaqay 19-kii diseembar inuu baarlamanka u soo jeedindono hoggaamiye hor leh 14-ka bisha jannaayo, si cod loogu qaado 16-ka jannaayo.
Wixi muddadaa ka horreeya ayuu sheegay Afayeenka baarlamanka Sweden inuu dhammaan u xilsaarey hoggaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka iney ka wada xaajoodaan sidii uu dalku dawlad u yeelan lahaa. Iyo sidoo kale in loo sarey labada hoggaamiye ee Stefan Löfven (s) iyo Ulf Kristersson (M) sidii ey warbixin joogto ah ula qeybsan lahaayeen af hayeenka.
Somaliska Stockholm
Xigasho/radiosverige