Dalkaan Iswiidhan, waxaa maanta ku geeriyooday aas aasihii dukaanka ku caan baxay iibinta alaabta kala duwan agabka guryaha la dhigto ee Ikea. Maalqabeenkan oo la oran jiray Ingvar Kamprad ayaa xunnuun muddo hayey maanta ugu geeriyooday.
Ingvar waxaa uu dhashay sanadku markuu ahaa 1926kii, waxaana uu ku dhashay deegaanka Småland ee dalkaan Iswiidhan, halkaas oo markeey da’diisu aheyd 17 jirba abuuray warshad uu ugu magac darray Ikea.
Dadka la soo shaqeeyey iyo kuwa sida gaarka ah uga dhawaaba marka laga soo tago eheladiisa waxaa ay tilmaameen dabcigiisa xagga shaqo oo ay sheegeen inuu ahaa nin baahida dareenka macaamisha aad u yaqaanay. Siyaasiinta dalka oo ka mid yahay raiisal wasaare Lövfen ayaa ka hadlay saameeynta uu dukaankani ku yeeshay wax soo saarka dalka iyo magaca uu dalka uga tagay.
Ugu dambeyntii dukaankan caanka baxay ee Ikea ayaa waxaa uu ku yaala meelo badan oo caalamka ka mid, wuxuu caan ku yahay iibinta agabka guryaha ee kala duwan. Iswiidhana waxaa ay sidoo kale caan ku tahay dukaankaas oo marka qofku maqlo Iswiidhan ay durba ku soo dhaceeyso dukaanka Ikea iyo warshada baabuurta soo saarta ee Volvo.
Somaliska.com-Göteborg