Home Wararka Sweden Aabe Sweden ku sugan oo lagu Wargaliyay in Sharciga Iskuulka uu Mamnuucayo...

Aabe Sweden ku sugan oo lagu Wargaliyay in Sharciga Iskuulka uu Mamnuucayo Soonka ilmihiisa

0

 TV-ga Sweden ayaa daabacay warbixin ku saabsan dugsi hoose oo Swedish ah oo ku yaal västerås, kuna wargaliyay aabaha mid ka mid ah ardaydiisa, ka hor inta aanu bilaabin bisha barakaysan ee Ramadaan, in sharciyada dugsigu mamnuucayaan soonka inta lagu jiro saacadaha dugsiga.

Sida laga soo xigtay telefishanka, aabaha dhalay gabadha lagu magacaabo Shahad oo (10 sano jir), ayaa fariin qoraal ah ka helay maamulka iskuulka Bjurhovdaskolan, isagoo ku wargelinaya sharciga ah inaan lagu soomin dugsiga.

Ardaygu wuxuu ku yidhi telefishanka, “Markaan akhriyay farriinta, waxaan dareemay murugo iyo xanaaq … waan la qabsan karaa. Haddii aan gaajoodo, wax dhibaato ah kama haysto cunista, mana jirto cid igu qasbeysa inaan soomo.”

Shahad ayaa u aragta soonka inuu yahay wax lagu farxo oo muhiim ah.

Dhiniciisa, ardayga aabihiis oo haysta 4 caruur ah, wuxuu sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee uu soo gaadho fariin noocan oo kale ah

Wuxuu intaas ku daray, “Weligay ma maqal mamnuucidda soonka ee dugsiyada hore.”

Sida laga soo xigtay telefishanka Sweden, ma jiro wax taageero ah oo laga helayo sharciga waxbarashada oo mamnuucaya soonka dugsiyada, mana jiraan tilmaamo cad oo ku saabsan waxa khuseeya arrintan.

Markii telefishankuna uu Ombudsman-ka weydiiyay sharci ahaanta arintan, wuxuu tilmaamay inuusan jawaab u haynin in mamnuucida soonka bisha Ramadaan ee iskuuladu ay noqon karto takoor ku saleysan diin ama caqiido.

Dhinaceeda, maamulka iskuulka Bjurhovdaskolan ayaa sheegay in aysan heysan mamnuuc guud oo ah soonka bisha Ramadaan wixii dhacayna ay ahaayeen waxqabad uu sameeyay macalin, maamulkuna uu lahadli doono dhamaan macalimiinta si looga hortago in arintan aysan markale dhicin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here