Home Wararka Maanta Aabaha Dhalay Caruurta laga soo tuuray Balakoonka Xaafada Hässelby oo Maxkamada ka...

Aabaha Dhalay Caruurta laga soo tuuray Balakoonka Xaafada Hässelby oo Maxkamada ka sheegay Sida wax u dhaceen

0
Foto: Jonas Ekströmer/TT

Aabahan oo 43 jir ah oo loo haysto dilka iyo isku dayga dil ee labadiisa carruur ah, ayaa qirtay inuu toorey ku dhuftay uuna kasoo tuuro balakoonka dabaqa afaraad.

Laba carruur ah oo da’doodu ka yar tahay toban sano ayaa la helay iyagoo dhaawac aad u daran ka dib markii ay ka soo dhaceen balakoonka dhismo ku yaala Xaaflada Hässelby ee magaalada Stockholm habeenkii Axadda.

Subaxnimadii Isniinta, ayaa waxaa dhaawacyadii soo gaaray u dhintay midkii ugu yaraa, halka midka kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah. Waalidiinta carruurtan ayaa xabsiga loo taxaabay, balse xeer ilaalinta ayaa Isniintii go’aamisay in la sii daayo haweeneyda.

Carruurta aabbahood ayaa lagu soo oogay dacwad dil iyo isku day dil. .

Arbacadii, Eedeysanaha oo 43 jir ah Aabbaha carruurta dhalay ayaa ka soo muuqday Maxkamadda Degmada Solna. Dhageysiga maxkamada ayaa ahaa mid albaabadu u xiran yihiin.

waxa uu qirtay in uu carruurtiisa mindi ku dhuftay, oo uu ka soo tuuray dabaqa afraad , sida uu qoray wargayska Aftonbladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here