Magaalloyin badan oo ku yaala Waddanka Sweden ayaa maanta aad looga ciiday. Magaallada Flen ayaa kamid ah magaalooyinkaas. Muslimiinta degan magaallada iyo kuwa badan oo kayimid magaallooyinka agagaarka ah darteed ayaa salaada ciid la kala tukaday labo jeer, raga waxay tukadeen 08:00 subaxnimo, halka dummarka 09:00 tukadeen masjidka Alhuda oo horay u ahaan jiray goob kaniisad ah oo Muslimiintu iibsadeen . Masjidka oo laba door ah ayaa aad u buuxsamay labada jeerba.Dadkii halkaa isugu yimid ayaa isdhaafsaday salaamo isu hambalyeen ah.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD