
War-bixinta la xiriirta in soo-galooti u dhashay carriga Bariga Dhexe ee degmada Södertälje u codeeyeen xisbiga Sverigedemokrat-ka (SD) ayaa dhalisay feejignaan.Su’aasha is-weeydiinta lihi waxay tahay sideey ajaaniib ugu codeeyeen xisbiga xag-jir ah ee hor boodaya siyaasad lid ku ah soo-galootiga?Yilmaz Kerimo, oo ka tirsan xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ee xaafadda Södertälje xubnihiisa u sharaxan baarlamanka ayaa qaba in xisbiga SD uu kula kacay fal qiyaamo dadyoowgaa, isagoona uu xisbigu isticmaalay dareenkooda iyo fikirrada aan wanaagsanayn ee qaarkood ka qabaan bulsho kale:- Nasiibdarro, ma hubo tiradoodu inta ey le’eg tahay hase yeeshee aniga laftayda waan maqlay in qaar ka mid ah bulshada asiiri-ga/siiriyaan-ka iyo ciraaqiyiin ey u codeeyeen xisbiga SD.Xisbiga SD wuxuu ku doorasho galay inuu muslimiinta ka soo horjeedo.
Nasiib darro waxaa jira dadyoow dhibaatooyin ey kala soo gudboonaadeen dalalkoodii hooyo. Waana sababta keliya oo ey u doorteen iney u codeeyaan xisbiga SD.
Inkastooy middaasi xaqiiqda ka fog tahay, waayo xisbiga SD wuxuu ka soo hor-jeedaa dhammaan ajaaniibta, cid walba oo aan asal ahaan iswiidhish ahayn.Shakhsiyaadka u codeeyey SD waa kuwo ey dhibaatooyin kala soo gudboonaadeen waddammadoodii iyada oo ey ugu wacneeyd diintooda.
Mar uu Yilmaz Kerimo ka jawaabayay su’aasha la xiriirta iney jiraan iska hor imaad u dhaxeeya masiixiyiintaAsiiriyiin-ta/siiriyaan-ka iyo muslimiinta wuxuu yiri: – Waxaa labada garabba ee muslimiinta iyo masiixigaba ku jira qaar xag-jir ah.
Waana mid loo baahan yahay in xisbiyadayada aaminsan mabda’a Dimoqoraadiga ey ka shaqeeyaan sidii loo baabai’in lahaa cuqdadaha ey bulshooyinku kala qabaan.
Sveriges Radio