Home Wararka Caalamka Sharci Cusub oo Mamnuuciya Guurka Qaraabada oo Sweden ka Bilaabanaya 1 July

Sharci Cusub oo Mamnuuciya Guurka Qaraabada oo Sweden ka Bilaabanaya 1 July

0

Stockholm – Laga bilaabo berri oo ku beegan 1-da Luulyo, waxaa si rasmi ah u dhaqan galaya sharci cusub oo Iswiidhan ka mamnuucaya guurka ilma-adeerrada iyo noocyo kale oo guurka qaraabada dhow ah. Sharcigan ayaa qayb ka ah xirmo sharciyeed cusub oo loogu talagalay la dagaallanka tacaddiyada iyo cadaadiska la xiriira waxa loo yaqaan “dhaqanka sharafka”.

Ra’iisul Wasaaraha Iswiidhan, Ulf Kristersson, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in dalka laga bilaabo berri uu mamnuucayo guurka ilma-adeerrada, isagoo sheegay in guurka noocan ah mararka qaar loo adeegsado xakamaynta haweenka iyo sii wadidda tacaddiyada la xiriira dhaqanka sharafka.

“Iswiidhan qof kasta wuxuu leeyahay xuquuq uu isaga u go’aansado noloshiisa iyo qofka uu dooranayo inuu guursado ama jeclaado, iyadoo aan loo eegin jinsiga ama asal ahaan meesha uu ka soo jeedo. Dalka kama jirto meel loogu dulqaadanayo dhaqanka sharafka,” ayuu yiri Kristersson.

Baarlamaanka Iswiidhan ayaa hore u ansixiyay sharcigan, kaas oo lagu meel mariyay heshiis ay taageereen inta badan xisbiyada siyaasadda, iyadoo aan wax diidmo ah ama codbixin rasmi ah laga samayn.

Sharciga cusub wuxuu mamnuucayaa guurka ilma-adeerrada, wuxuuna sidoo kale diidayaa in Iswiidhan ay aqoonsato guur kasta oo qaraabo ah oo lagu galay waddan kale haddii uu ka hor imanayo sharciga Iswiidhan.

Waxaa kale oo sharcigu mamnuucayaa guurka u dhexeeya qaraabo dhow oo kale, oo ay ku jiraan guurka walaalaha kala aabbaha ama kala hooyada ah.

Sidoo kale, Iswiidhan ma aqoonsan doonto guurka carruurta, guurka khasabka ah, guurka badan (hal qof oo leh xaasas ama niman badan), iyo guurka lagu galo wakiil, xitaa haddii lagu soo qabtay meel ka baxsan dalka.2

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here