Home Wararka Caalamka Qoys la Siiyay Magdhow 42,000 Kronor Kadib Markii Si Khalad Ah Looga...

Qoys la Siiyay Magdhow 42,000 Kronor Kadib Markii Si Khalad Ah Looga Horjoogsaday Safarkooda Garoonka Arlanda

0

Stockholm – Qoys ku nool Sweden ayaa helay magdhow ka badan 42,000 oo koron (SEK) kadib markii laga joojiyay safar ay uga bixi lahaayeen garoonka diyaaradaha ee Arlanda, sababo la xiriira xayiraad lagu sheegay baasaboorka cusub ee xaaska. Baaritaan kadib ayaa lagu ogaaday in xayiraaddaasi ay ka dhalatay khalad ay sameysay booliiska.

Booliiska ayaa qirtay khaladka dhacay, halka Xafiiska La-taliyaha Caddaaladda ee Sweden (JK) uu go’aamiyay in qoyska la siiyo magdhow lagu daboolayo khasaaraha iyo kharashaadka ka soo gaaray dhacdada. Arrintan waxaa baahisay wargeyska Dagens Nyheter.

Qoyska ayaa hore u iibsaday tigidhyo safar oo qiimahoodu ku dhowaa 35,000 oo koron. Waxay gaareen kantaroolka baasaboorrada ee garoonka Arlanda 17-kii Juun ee sannadkii hore, saacad ka hor duullimaadkoodii ku socday Thailand.

Hase yeeshee, markii la hubinayay dukumentiyadooda safarka ayaa lagu wargeliyay in baasaboorka xaaska uu ku jiro liiska baasaboorrada xayiran, taasoo ka hor istaagtay inay sii wataan safarkooda.

Qoyska ayaa sheegay in aysan jirin waqti ku filan oo lagu soo saaro baasaboor ku-meel-gaar ah, isla markaana aysan suurtagal ahayn in ninka iyo cunugga keliya ay safraan iyagoo xaaska ka tegaya.

Kadib markii la xaqiijiyay in xayiraadda baasaboorka ay ahayd khalad ka yimid booliiska, waxaa la go’aamiyay in qoyska la siiyo magdhow dhan in ka badan 42,000 oo koron si loogu magdhabo khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay safarkii baaqday.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here