Home Wararka Caalamka Weerar lagu qaaday Qunsuliyada Mareykanka ee Dubai

Weerar lagu qaaday Qunsuliyada Mareykanka ee Dubai

0

Dab ayaa caawa ka kacay Qunsuliyadda Mareykanka ee magaalada Dubai, gudaha dalka Imaaraadka Carabta, kaddib weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drone), sida uu xaqiijiyay xafiiska warbaahinta ee dowladda. Weerarkan ayaa imanaya xilli gobolka uu wajahayo xiisado amni oo sii kordhaya.

War kooban oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa lagu sheegay in dabka si degdeg ah loo xakameeyay, iyadoo kooxaha gurmadka degdegga ah ay isla markiiba gaareen goobta uu weerarku ka dhacay.

Dowladda ayaa xaqiijisay in aan wax dhaawac ah ama khasaare naf ah la soo sheegin, inkastoo ay socoto qiimeyn lagu ogaanayo khasaaraha hantiyeed ee suurtagalka ah.

Goobta uu dabku ka kacay ayaa la sheegay inay ku dhowdahay Qunsuliyadda Mareykanka ee Dubai, taas oo sare u qaadday feejignaanta amni ee ka jirta magaalada. Ilaalada iyo laamaha ammaanka ayaa xiray waddooyin ku dhow goobta si loo xaqiijiyo badbaadada dadweynaha, isla markaana loo baaro sida uu weerarku u dhacay.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo cidda ka dambeysa weerarkan drone-ka ah, iyo in uu si toos ah u beegsaday xarunta diblomaasiyadeed ama uu ahaa weerar ku dhacay meel u dhow. waxaana la aaminsan yahay in weerarkan ay ka dambeysay Iran oo haatan dagaal kula jirta Mareykanka iyo Israel.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan weerarrada loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsanayo xarumo istaraatiiji ah iyo kuwo diblomaasiyadeed oo ku yaalla dalalka Khaliijka, taas oo sare u qaadaysa walaaca ku saabsan ammaanka iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay inay sii xoojin doonto tallaabooyinka amni si looga hortago weerarro kale oo la mid ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here