Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maanta oo Axad ah sheegay inuu oggolaaday in wada-hadal lala yeesho maamulka cusub ee Iran, maadaama ay iyagu muujiyeen rabitaan ah in la kulmo.
Isagoo wareysi siiyay majalladda The Atlantic, Trump ayaa sheegay inuusan weli xaqiijin karin waqtiga ay dhici doonaan wada-hadalladu, balse uu la hadli doono mas’uuliyiinta Iran. Wuxuu xusay in qaar ka mid ah dadka reer Iran ee ka qaybgalay wada-xaajoodyadii toddobaadyadii la soo dhaafay ay dhinteen.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in dad reer Iran ah ay waddooyinka ku dabaaldegayaan dhacdooyinkii u dambeeyay, sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, wariye ka tirsan Al Jazeera oo ku sugan bannaanka hoyga Trump ee gobolka Florida ayaa sheegtay in ka hor hawlgalkii milatari ee ka dhanka ahaa Iran, Trump la weydiiyay cidda maamuli karta Iran haddii nidaamka la rido. Waqtigaas ayuu ku jawaabay in ay jiraan shaqsiyaad dhowr ah, taas oo muujinaysa in maamulka Maraykanku horey xiriir ula sameeyay dad loo arko inay hoggaamin karaan marxalad ku-meelgaar ah.
Wareysi uu siiyay shabakadda Fox News, Trump wuxuu ku sheegay inuusan ka walaacsanayn xaaladda, isagoo ku dooday in arrimuhu si wanaagsan u socdaan, isla markaana “guusha uu gaarayo ay tahay mid aan la rumaysan karin.”
Wuxuu intaas ku daray in 48 hoggaamiye oo Iiraaniyiin ah hal mar la dilay, isla markaana howlgaladu si degdeg ah u socdaan. Trump wuxuu ku andacooday in Iran ay heli lahayd hub nukliyeer laba toddobaad gudahood haddii aan la burburin xarumaheeda nukliyeerka, isagoo sheegay inay ogyihiin tirada bartilmaameedyada weli ka haray gudaha Iran.
Sidoo kale, wareysi uu siiyay telefishinka CNBC, Trump ayaa sheegay in howlgalada milatari ee ka dhanka ah Iran ay ka horreeyaan jadwalkii loo qorsheeyay.







