Home Wararka Caalamka Qaxooti Wajahaya Masaafurin Gudaha Sweden Sababo la Xiriira Mushahar Labo Shaqo

Qaxooti Wajahaya Masaafurin Gudaha Sweden Sababo la Xiriira Mushahar Labo Shaqo

0
Photo: Anders Wiklund/TT

Wiil Afgaan ah oo lagu magacaabo Liyaaqat Samadi (27 jir) ayaa wajahaya go’aan masaafurin ah oo looga tarxiilayo Sweden loona celinayo Afghanistan, kadib markii uu mushahar ka helay laba shaqo oo kala duwan, inkasta oo uu si sharci ah uga shaqeynayay dalka Sweden muddo shan sano ah.

Hay’adda Socdaalka Sweden ayaa diiday in ay cusboonaysiiso oggolaanshaha shaqadiisa, iyagoo ku sababeeyay in ruqsaddiisa deganaansho ay ku xirnayd hal loo-shaqeeye oo kaliya, halka diiwaannada ay muujiyeen in muddo kooban uu mushahar ka helay laba shaqo.

Liyaaqat, oo ka shaqeeya beer ku taalla magaalada Fågelanda, ayaa u sheegay Idaacadda Sweden in uusan ogeyn jiritaanka xeer mamnuucaya in mushahar laga helo in ka badan hal loo-shaqeeye.

“Ma garanayo waxa mustaqbalka dhici doona. Ma awoodo in aan ku laabto Afghanistan. Xaaladda halkaas ka jirta waa mid aad u khatar ah, Taliban ayaana gacanta ku haysa. Haddii aan laabto, isla markiiba waa la i dili doonaa.”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here