Home Wararka Caalamka Norway:- Nin Cunsuri ah oo Haweeney soo Galooti ah ku dilay Caasimada...

Norway:- Nin Cunsuri ah oo Haweeney soo Galooti ah ku dilay Caasimada Oslo

0

Nin 18 jir ah oo ku nool Norway ayaa wajahaya eedo culus kadib markii uu haweeney asalkeedu soo galooti ah ku dilay xarun dhalinyaro oo ku taal caasimadda Oslo, isbuucii hore.

Dhibbanaha ayaa lagu dilay tooreey taasi oo looga gooyay qoorta halka looga dhuftay laabta ka dib markii la weeraray xilli ay ka shaqeyneysay xaruntaati habeenimadii Axadda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee TT oo soo xiganeysa TV2 Norway.

Eedeysanaha dhalinyarada ah ayaa isla xarunta degenaa, waxaana la xiray wax yar ka dib fal-dembiyeedka. Intii uu xirnaa, waxa uu booliiska u sheegay in uu damacsanaa in uu hub helo oo uu geysto dilal kale oo uu ka mid yahay weerar lagu qaadayo masjid.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here