Wargeyska ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhashay wadashaqeyn dhexmartay booliska Spain iyo Sweden.
Lix xubnood oo ka tirsan koox dembiilayaal Swedish ah ayaa lagu xidhay dalka Spain, kuwaas oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen dil dalkaas ka dhaca, sida uu qoray wargeyska Expressen
Afar qof ayaa lagu xiray Marbella iyaga oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayeen dil, haysashada hub sharci darro ah, iyo xubinnimada urur dambiilayaal.
Iyada oo qayb ka ah baaritaanka, booliisku waxay qabteen hub, taleefannada gacanta, iyo maasgarada wajiyada .
Nin dhalinyaro ah iyo mid kale oo aan qaangaarin ayaa la xiray horraantii bishii Luulyo ka dib markii ay Malaga kaga yimaadeen Göteborg.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD