Dalka Iswiidan ayaa laga dareemay hoos u dhac ku yimid tirada dhalmada, iyadoo xog cusub oo ay soo saartay hay’adda tirokoobka Sweden (SCB) ay muujisay in qeybtii hore ee sanadkan la diiwaan geliyay tiradii ugu hooseysay ee dhalmada muddo labaatan sano ka badan.
Sida laga soo xigtay tirakoobka hay’adda , 49,700 carruur ah ayaa dhashay lixdii bilood ee ugu horeysay sanadka, 1.7 boqolkiiba hoos u dhac ku yimid isla muddadaas ee 2024.
Taas bedelkeeda, 47,000 oo qof ayaa ku dhintay isla muddadaas, tiradaas oo la mid ah celceliska tirada dhimashada ee Sweden laga diiwaan geliyay sannadihii u dambeeyay.
“Sanadkan, waxaan aragnaa tiradii ugu hooseysay ee dhalmada qeybtii hore ee sanadka muddo 23 sano ah,” ayuu yiri Guadalupe Andersson, oo ah khabiir ku takhasusay tirakoobka dadweynaha ee wakaaladda, oo war-saxaafadeed soo saartay.
In kasta oo ay hoos u dhacday tirada dhalmada, haddana wadarta guud ee dadka Iswidhan ka diiwaan gashan waxay kordheen 5,000 oo qof intii lagu jiray qeybta hore ee sanadka, iyagoo gaaray 10,592,700 bartamihii sanadka.