Booliska Dalka Sweden ayaa ugu baaqay dadka fasaxyada ku tahay dalka taliyaaniga inay qaataan basaboor cusub kadib markii ay soo baxeen in dalkaasi lagu xaday dukumiintiyo kala duwan.
Sida uu booliska Sweden ku xusay Bogiisa ku dhawaad 100,000 kun oo Dukumintiyo Digital ah ayaa laga xaday ku dhawaad 10 Hotel oo ku taalla dalka Taliyaaniga.
Dukumiintiyada la xaday waxaa kamid ah Warqadaha looga baxo iyo kuwa lagu soogalo dalkaasi iyo sidoo kale kuwa bokninka .
Maamulka Taliyaaniga ayaa dhankooda laga soo xigtay in Dukumiintiyadaasi loo kala iibsaday qaab suuqa madow ah.
Booliska Sweden ayaa sidaa darteed daka ugu baaqay inay hakiyaan ama kansalaan basabooraadooda iyagoo dalbanaya kuwa cusub si looga fogaado dambiyo lagu galo dukumiintiyadooda.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD