Hay’ada Laanta Socdaalka Sweden ayaa bilwoday inay wareysiyo u dirto dadka codsaday dhalashada wadanka sweden ee jawaabaha sugaya.
Sida ay sheegtay hay’ada ku dhawaad 3,500 qof ayaa lala yeeshay wareysi fool ka fool ah kaasi oo ku aadan macluumaad ku saabsan dhanka amaanka sida ay dowlada ka codsatay laanta socdaalka.
Go’an ay soo saartay dowlada bishii janaayo isla markana uu taageeray xisbiga Sverigedemokraterna ayaa dhigaya in laga hortago in jinsiyada la siiyo dadka qatarta galin kara amaanka iyo kuwa beenta ka sheega xogtooda.
Dadka codsaday dhalashada wadanka sweden ayaa loo diray warqado ka kooban dhoor su’aalood iyadoo intaasi kadib loo dirayo balan wareysi ka hor inta aan go’an laga gaarin.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD