Home Wararka Caalamka Qaxootiga Suuriya oo lagu Dhiiragalinayo inay ku laabtaan Dalkooda

Qaxootiga Suuriya oo lagu Dhiiragalinayo inay ku laabtaan Dalkooda

0

Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Qaxoontiga Germalka ayaa bixinaya dhiirigelin dhaqaale iyo taageero dadka Suuriyaanka ah ee doonaya inay ku noqdaan Suuriya madama uu dalkaasi yahay dalka ugu badan ee Qaxootiga Suuriya ku noolyihiin.

Dowladda Jarmalka ee hadda jirta ayaa waxka  yar bil uga harsan tahay xilliga ay xilka heyso doorashada taasi oo dhici doonta 23-ka Febraayo ee sanadkan. Hadda Xafiiska Federaalka Jarmalka ee Socdaalka iyo Qaxoontiga (BAMF) ayaa xaqiijiyay inay siin doonto dhiirigelin dhaqaale dadka Suuriyaanka ah ee ku laabanaya dalkooda.

Nidaamka soo celinta, oo cinwaankiisu yahay REAG/GARP , kaas oo Suuriya lagu daray Janaayo 13, waxaa loogu talagalay in lagu taageero muhaajiriinta qorsheynaya inay si ikhtiyaari ah ugu laabtaan dalkooda hooyo. Dawladda Jarmalku waxay bixisaa kharashka safarka iyo bixinta taageerada hal mar oo ah 1,700 euro qofkiiba.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here