Home Wararka Caalamka försäkringskassan oo ku Amartay Bixinta 10.6 milyan Nin been abuur ka sheegay...

försäkringskassan oo ku Amartay Bixinta 10.6 milyan Nin been abuur ka sheegay Kaalmo uu dalbaday

0

Mid kamid ah Dadka Deegaanka ee ku nool Magaalada Malmö ayaa lagu amrtay Bixinta lacag gaareysa 10.6 Milyan oo Krone kadib markii lagu helay inuu been abuur ka sheegay Kaalmo uu ka dalbaday Hay’ada Caamiska Sweden Sida uu qoray Joornalka sydsvenskan.

Ninkan ayaa sheegay inuu Caawin u baahanyahay madama uu qabo Xanuun keeni kara arinkaasi kadib Waxa uu helay ogolaansho Shaqaale iyo kaalmo kale lakin taasi badalkeeda ninkan ayaa ahaa Qof Caafimaad qabo mana jirin Shaqaale taga gurigiisa.

Hay’ada Ceymiska Sweden ee försäkringskassan ayaa baaritaan ku sameesay been abuurka ninkan waxayna heshay cadeymo badan oo muujinaya in ninka uu ahaa qof Safar iskaga maqan iyo nin uusan jirin shaqaale taga gurigiisa.

Ninkan ayaa hada lagu amray bixinta lacag gaareysa 10.6 Milyan waxa dhanka kale 940,000 kr lagu xukumay Shirkada Adeega _Caawinta ninkan u fulineysa.

Hay’ada Ceymiska Sweden ayaa isbadal weyn sameesay waxayna Baaritaan xoogan ku sameysaa dadka qaata lacagaha jirada ee wadanka ka maqan ama aanan qabin wax xanuun ah.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here