Dhageysiga dacwadda ka dhanka ah labo gabdhood ee walaalaha ah ayaa ka billaabatay oslo.
Labada Gabdhood oo Somali ah Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inay ka qayb qaateen kuna biireen kooxda argagixisada ah ee IS (Daacish).
labada gabdhood ayaa ku noolaa Bærum ah waxayna u safreen Suuriya iyagoo kala jira da’da 16 iyo 19 dayrtii 2013.
Xilligaasi, kooxda argagixisada ah ee IS waxay la wareegtay gacan ku haynta dhul ballaaran oo Suuriya iyo Ciraaq ah.
Hadafka kooxdan ayaa ahaa in bariga dhexe laga dhiso khilaafada Islaamka.
Labadan gabdhood ee walaalaha ah ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Suuriya waxay qerb ka ahaayeen kooxda waxana dhici karta in xukun adag lagu rido.
Somaliska oslo
Wararka kale ee Maanta
AD