Home Wararka Caalamka Sweden oo ku biirtay Wadamada Qaxootiga u diraya Dalalka Kale

Sweden oo ku biirtay Wadamada Qaxootiga u diraya Dalalka Kale

0

Iswiidhan iyo dhowr waddan oo kale oo EU ah ayaa doonaya magangalyo-doonka diidmada helay in lagu hayo meel ka baxsan Midowga Yurub. Sida ay TT ka soo xigatay shirkii Khamiista ee wasiirada EU oo diirada lagu saaray socdaalka kaasi oo ka dhacay Luxembourg.

Waxaa jira habab la mid ah arintaasi oo maanta jira, waxayna noqon kartaa mid xiiso leh, sida uu sheegay wasiirka socdaalka ee Iswiidhan Johan Forssell (M) oo la hadlay Ekot.

Talyaaniga wuxuu dhawaan laba xarumood u furay 3⁠ 000 oo magangalyo doon ah gudaha Dalka Albania.

Dadka dhaleeceeya waxay aaminsan yihiin in aan loo qaadan karin mid sharci ah, sida ay sheegtay BBC-da.

Jarmalka waxa uu Rwanda kala xaajoonaya sidii uu ula wareegi lahaa xarumihii magangelyo ee ay Britain ka dhistay halkaas sida ay sheegtay Spiegel.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here