Home Wararka Maanta Sweden oo Kaalinta Saddexaad kaga jirta Wadamada Shaqalo La’anta ee ugu Xun...

Sweden oo Kaalinta Saddexaad kaga jirta Wadamada Shaqalo La’anta ee ugu Xun Yurub

0

Dalka Sweden ayaa kaalinta saddexaad ka galay dalalka Midowga Yurub ee ay ka jirto shaqo la’aanta ugu badan, kadib Spain iyo Greece

Heerka shaqo la’aanta ee Giriiga ayaa ahayd tii ugu sarreysay ee Midowga Yurub muddo dheer ka dib sannado dhaqaale xumo oo waddanku soo maray 2010

Si kastaba ha ahaatee, arrimuhu hadda way is beddeleen, waddamada qaniga ah, sida Sweden iyo Finland, waxay ku sii dhowaanayaan heerka haqo la’aanta sida Giriigga

Tirakoob cusub oo ka soo baxay Xarunta Tirakoobka Yurub (Eurostat) ayaa
muujisay in heerka shaqo la’aanta ee Giriiga ay gaartay 9.5 boqolkiiba bishii
Agoosto, taasoo kor u kacday 2 boqolkiiba sannadkii.

Waxay aad uga sareysaa Spain, oo hadda leh heerka ugu sarreeya ee shaqo la’aanta 11.3
.boqolkiiba. Sida uu sheegay TT

Sweden ayaa kaalinta saddexaad soo gashay iyadoo heerka shaqo la’aantu ay tahay 8.4 boqolkiiba, iyadoo wax yar ka horreyso Finland, taasoo diiwaan gelisay boqolkiiba 8.3

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here