Home Wararka Caalamka Ukraine oo Diyaarado aan duuliye laheyn ku Weerartay Caasimada Moscow” Dad ku...

Ukraine oo Diyaarado aan duuliye laheyn ku Weerartay Caasimada Moscow” Dad ku dhintay

0

Ukraine ayaa 70 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay saacadihii hore ee maanta caasimadda Ruushka ee Moscow iyo nawaaxigeeda

Waxaa la sheegay inuu hal qof ku geeriyooday burbur gaaray dhisme ay dad rayid ah degganaayeen oo ku yaalla degmada  Ramenskoye ee Moscow ka tirsan oo 30 km u jirta xafiiska Putin ee dhismaha Kremlin.

Dhimashada iyo burburka gaaray dhismaha la deggan yahay ayaa la sheegay inay ka dhalatay diyaarad aan duuliyaha lahayn oo la sheegay inuu soo riday nidaamka difaaca Ruushka, sida laga soo xigtay duqa Moscow, Andrei Vorobyov.

Weerarkan ayaa muujinaya inay Ukraine horumarisay nidaamkeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyagoo hadda dalbanaya gantaallada riddada dheer in loo oggolaado si ay weerarradooda ku gaarsiiyaan gudaha Moscow iyo kaabayaasha Ruushka

Dhimashada ka dhacday Moscow ayaa bixinaysa tilmaam xun iyo in Ruushka lagu riixayo weerarro waaweyn inuu ka geysto gudaha Ukraine, dagaalka saddexda sanno socda ayaana laga yaabaa inuu u gudbo dagaal weyne 3aad.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here