Home Wararka Maanta Raisal Wasaaraha Sweden oo ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

Raisal Wasaaraha Sweden oo ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

0
Foto: TT

Ra’iisul Wasaare Ulf Kristersson (M) ayaa soo bandhigay Xubnaha kamid Noqondoona wasiirada cusub – iyo kuwa bedelaya xilalka wasiirnimo ee horay u hayeen..

Jessica Rosencrantz (M),  oo 36, sano jir ah ayaa noqon doonta wasiirka cusub ee Midowga Yurub iyo Benjamin Dousa (M), 31 sano jir ah oo noqon doona wasiirka cusub ee gargaarka iyo ganacsiga dibadda.

Afar wasiir ayaa xilal cusub ka helay xukuumadda.

Maria Malmer Stenergard (M) oo 43 jir ah ayaa noqonaysa wasiirka cusub ee arrimaha dibadda halka Johan Forssell (M) oo 44 jir ah uu noqonayo wasiirka socdaalka.

Johan Pehrson (L), 56, iyo Mats Persson (L), oo 43 jir ah, ayaa isku beddelaya shaqada.

Pehrson (L) ayaa noqonaya wasiirka cusub ee waxbarashada, halka Persson (L) uu noqonayo wasiirka suuqa shaqada iyo isdhexgalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here